R/wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Dekadda Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta kormeer ku tagay Dekada weyn ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay ka socoto Howl aad u culus.

Ujeedka Kormeerka Ra’iisal wasaaraha uu ku tagay Dekada magaalada Muqdisho ayaa ahayd sidii uu ugu kuur gali lahaa Howlaha baaxada iyo hormarka leh ee ka socda gudaha Dekada.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa kormeer uu ku soo indha indheeyey qeybo ka mid ah dakedda iyo shaqooyinka ka socda kadib ayuu kulan waxa uu la qaatay maareeyaha dakedda mas’uuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga oo iyaga gacanta ku haya maamulka Dakedda Muqdisho.

Maareeyaha Dakedda magaalada Muqdisho, Mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa kulankaasi iyo kormeerka Ra’iisul wasaaraha kadib waxa uu la hadlay warbaahinta Qaranka, isagoo u faah-faahiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Dhanka kale Maareeyaha Dakedda Muqdisho, mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa ii sheegay in horumar la taaban karo uu ka jiro dakedda, sida dhanka qalabka lagu qabto howlaha dakedda iyo qaabka howlgalka oo noqdey mid la mid ah dakadaha waa weyn ee dalka.

Dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya Shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga, waxaana weli ka socda dhismayaal waa weyn oo loogu talagalay in lagu ballaariyo Dakedda, si ay u qaaddo miisaanka baaxadda leh ee dhinacyada Ganacsiga iyo alaabaha kale ee la keenno dalka, waana mid ka mid ah ilaha ugu waa weyn dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.